Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo la tashaday Guddoonka ayaa caawa soo magcaabay 3 xubnood ku biiraya Guddiga Doorahsada madaxwetnaha cysub ee Soomaaliya.
Golaha Shacabka ayaa maanta iska soo xulay 8 xubnood, waxaana ku haray 2 xubnood oo qaab 4.5 ku imaanaya iyo xubin kale oo dib looga daraypo si la isugu dheeli diro xubnaha Guddiga oo lagu miisaamayo awood qeybsiga beelaha.
Xubnaha Guddoomiye Aadan madoobe soo macgaabay aya akal ah:
1- Cumar Yuusuf Qalaadiid
2- Fardowsa Cusmaan Cigaal
xubinta lagu daray ayaa loo magacabay:
3- C/raxmaan Maxamed Cagaweyne
Guddiga Golaha Shacabka ayaa hadda ah 11 xubnood, waxaana ku biiraya 6 xubnood oo ka yimid Aqalka Sare, iyadoo noqon doona Guddiga Qabanqaabinaya Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

