Wednesday, June 25, 2025

Sh. Aadan Madoobe oo Xubno ka saaray Guddigii Dib u heshiisiinta K/Galbeed (Magacyada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isbedal ku sameeyay sameeyay xubno ka mida Guddigii Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu dhowaan magacaabay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddiga Farsamada ka saaray laba xubnood, isagoo soo magacaabay, kuna bedelay laba xubnood oo cusub, arrintaas oo timid , kadib markii Musharixiinta K?Galbeed ay ka hor yimaadeen Guddiga Farsamada oo a sheegeen inaan lagala tashan.

Xubnaha Guddiga laga saaray ayaa kala ah: Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Barre, iyadoo lagu bedelay Maxamed Sheekh Xuseen iyo Farxad Maxamed Yuusuf, kadib diidmo ka timid Musharixiinta.

Musharixiinta K/Galbeed ayaa diidmo kala hor yimid Guddiga Farsamada Shirka Dib u heshiisiinta K/Galbeed, waxaana arrintan ay keentay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ogolaado dalabkii Musharixiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON