Tuesday, July 1, 2025

Qoys lagu laayey Qaraxyadii Maxaas iyo Gawaaridii is Qarxiyay oo la ogaaday halka…

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qaraxaydi saaka aroortii ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadib laba qarax oo magaalada ay la beegsadeen Alshabaab.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in labada qarax lala beegsaday afaafka hore ee Gurigiisa iyo Guri uu deganaa Xildhibaan Jacfar, dadka qasaaraha gaarayna ay u badan yihiin haween iyo caruur.

Wuxuuna intaas ku daray in gawaarida qaraxyada sida ay ka yimaadeen dhinaca degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ku leedahay Gobolka Galgaduud.

Dadka ku dhintay Qaraxyada Maxaas ayaa u badan hal qoys oo ka kooban 11 ruux, balse qof kaliya uu kabadbaaday, waxaana qaar ka mida magacyadooda ay kala yihiin:

1- Axmed Xaashi Qodqod

2- Hussein M. Wehlie

3- Maxamad Cabduqadir Xaashi

4- Yaxye Xuseen Buruzeey

5- Garaad Cabdi Xersi

6- Mahad Cilmi Deylaaf

7. Xasan Biibaaye Abtow

8- Cali Sheekh Cumar

9- Aabe Maxamed Cali Ceeryan

10- Hooyo Shariifo Nuur iyo 7 caruur ah oo ay dhaleen.

Madaxweynaha Hirshabelele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada caddowga ah ka geysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON