Monday, July 14, 2025

Sheekh Maxamed Shaakir oo ku dhawaaqay in Ciidamada Dowladda ka howlgalayaan Dhuusamareeb.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin inay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ka howlgalaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Sheekh Shaakir oo goor dhoweyd Caawa ka hadlayey xuska maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin si magaalada Dhuusamareeb ay u noqoto meel loo wada siman yahay ay ka howlgalaan hay’adaha nabadgelyada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, wuxuuna caddeeyay inay magaalada amnigeeda ku wareejinayaan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo iska ka hadlay xaflada ayaa faray dhammaan hay’adaha Federaalka farayaa inay shaqadooda iyo howlgalkooda ka billaabaan magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, wuxuuna u mahadceliyey maamulka Ahlu suna iyo Sheekh Shaakir.

Raiisal wasaare Kheyr ayaa sheegtay inay Magaalada Dhuusamareeb ay ka furantay Gogosha Dib u heshiisiinta iyo Doorashada Galmudug, waxayna arrintan meesha ka saareysaa doodii ka taagneyd goobta lagu qabanayo doorashada soo socota ee Galmudug, inkastoo arrimo badan harsan yihiin in lagu heshiiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON