Tuesday, June 24, 2025

Shaqaalihii Turkiga iyo Askartii ku dhaawacantay Qarixii Afgooye oo loo qaaday Turkiga

Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday qaar ka mida dhaawacyadii qarixii Afgooye ee Alshabaab la beegsatay shaqaalaha Turkiga ee wada dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Diyaarad caafimaad ayaa saaka timid garoonka magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaaday dhaawacyo isugu jira shaqaalihii Turkiga iyo qaar ka mida askartii dhaawacantay oo ku jiray Isbitaalka Erdoganee Ex-Digfeer, Magaalada Muqdisho, waxayna tiradooda gaareysaa 9 qof oo ka kooban 3 Turki ah iyo 6 Soomali ah.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in laba toddobaad kadib ay haddana keeneen diyaarad lagu qaadayo dhaawac, iyadoo qaraxii danbe aanu dhimasho ku keenin shaqaalaha Turkiga.

Alshabaab ayaa qarax is-miidaamin ah la beegsatay koontaroolka Boodboodka ee u dhow Afgooye 18-kii Bishan, waxaana ku dhintya 3 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 21 kale oo 6 ka mida ay yihiin shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga oo la sheegay in laba ka mida ay xaaladooda culus tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON