Wednesday, July 9, 2025

Shariif Sheekh Axmed oo Baaq Nabadeed u diray Madaxweynayaasha Somaliland & Puntland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laablaabtay degaanka Tukaraq darteed oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan nahay dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Ayuu yiri  Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan dib ugu laabtay Muqdisho.

Wuxuu ugu baaqay labada Madaxweyne ee maamulada Puntland iyo Somaliland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Muuse Biixi Cabdi in arrinta nabadda ay door muhiim ah ka qaataan, si xal nabadeed loogu wada noolaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON