Sunday, July 13, 2025

Sheekh Shaakir oo shaaciyey in la jebiyey 5 Qodob oo ka mida heshiiskii ay la galeen Dowladda [Akhriso]

Madaxa Xukumadda Galmudug ee fadhigiisu magaalada Dhuusamreeb Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dalbaday inuu Ra’iisal wasaare Kheyre si degdeg ah usoo farageliyo xaaladda Dhuusamareeb, isagoo soo bandhigay xadgudub lagu sameeyay heshiiskii ay la galeen dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa laga dalbaday inay jawaab degdeg ah laga bxiiyo shan qodob oo la jebiyey, kuwaasoo dhaawac ku keenay Heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka. waxaan ugu muhiimsan

1- Magacaabista taliyeyaal ciidan oo an ka mid ahayn heshiiska labada dhinac.

2- Ciidamo ku soo daabulid ka baxsan heshiiska.

3- Howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidamadii isku dhafka ahaa ee la sameeyay

4- Sarakiishii Ahlu- suna ee darajooyinka loo ballanqaaday oo aan weli la siinin

5- Iyo Hadal-heyn ku saabsan in ciidamo cusub iyo kuwo ajnabi ah la geynayo degaanada Ahlu suna.

Qoraalka ayuu Sheekh Shaakir ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha looga fadhiyo fulinta balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON