Tuesday, July 15, 2025

Sheekh Shariif: “Haddii la i doorto waxaan balan qaadayaa inaan soo celiyo hantidii dalka ee la boobay..”

Musharax Shariif Sheeekh Axmed oo ka mid ahaa mushariixinta maanta hortegay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa balanqaaday inuu soo celin doono hantidii Qaran ee la boobo.

“Waxaan ahay masuul usoo diyaar garoobay xilkaasi adag, waxaan rabaa dalkan inaan sumcadiisa iyo karamadiisa soo celiyo iyadoo laga saarayo meesha wixii maamulka ragaadiyay qabiilka ahaa ama kooxo gaar isu og ama cid kaleba” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan idiin balan qaadayaa in aan soo celiyo hantidii dalka ee la boobay waxaan aaminsanahay waajib qaran, maanta waa maalintii aan sixi lahayn khaladaadkeena” ayaa khudbadiisa ka mid ahayd Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay inuu hiigsanayo in dalkan 2020-ka ay ka dhacdo doorasho xor ah qof iyo codkiisa, taasooku imaanaysa dhameystirka dhismaha dalka, kaabayaasha, korontada, biyaha.

Sheekh Shariif ayaa xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, maadaama uu khibrad fiican heysto, isla markaana u soo diyaar garoobay inuu dalka hogaamiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON