Sunday, July 13, 2025

Sheekh Shariif: “Nin kasta oo kursiga yimaada waa baxaa.. Kursiga waa in nabad iyo Sharaf lagu joogo, loogana tago..”

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ee xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin inaysan weli kala caddeyn qaabka Doorashada lagu gelayo, iyadoo xaalad ciidan la abuurayo.

“Dowladda waxaa looga fadhiyaa inay xaliso tabshada laga qabo Doorashooyinka oo ay la fariisato musharixiinta.. In Doorashada a xor ahaato ma aha arrin laga tanaasuli karo… Guddiyada waxaa lagu eedeeyay intooda badan inay ka yimaadeen hay’adaha dowladda iyo taageerayaasha, looma ogola sharci ahaan dadkaasi.. Mucaaradku waxa kaliya ee uu rabo waa Doorasho xor iyo xalaal ah..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka digay in ciidan lagu xaliyo tabashada siyaasadeed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidamada dalka ay qeyb weyn ku lahaayeen burburkii Soomaaliya ka dhacay, isla markaana aysan doonayaan in ciidamada Qaran qeyb ka noqdaan loona adeegsado arrimo siyaasadeed, haddii aan sidaas la yeelinna aysan noqon doonin ciidamo

“Wax aad wadahadal ku heli karto maxaa keenaya inaad ciidamo u soo dirto.?. shalay waad ogeydeen wixii xaafadan siday ahayd waxaa halkan ka jira Doorashada Miiska hala soo saaro.. Musharixiin ayaan nahay waxaan xaq u leenahay inaan sheegno inuu khaldan yahay hannaanka loo wado Doorashada..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Nin kasta oo yimaada kursiga waa baxaa.. Kursiga haddii la joogaya waa in nabad lagu joogo.. nabadna looga tago, mucaarad iyo muxaafidna ay wada joogaan..” ayuu si cad ugu sheegay Sheekh Shariif oo caddeeyay inaan cidna loo beegsan karin inuu bannaanbax sameeyay, inuu kulan qabsaday iyo inuu fikirkiisa sheegay.

Wuxuu ku eedeeyay dowadda hadda jirta inay keligeed ka talisay Doorashada, ayna soo dhoweyeeen, laakiin markii fulinta la gaaray ay soo baxeen khaladaad waaweyn oo aan laga aamusi karin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON