Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Alshabaab saakay ku qaaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray ayuu Sheekh Shariif ku sheegay weerarka bahalnimo ah oo lagu beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed oo u taagnaa difaaca dalkooda iyo dadkood, isagoo ku eedeeyay inay yihiin koox ka fog damiirka bini’aadantinimo, islamarkaana si xun ugu adeegsanaya magaca diinta Islaamka.
Madaxweynihii hore ayaa si weyn u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaheeda ammaanka, isagoo tilmaamay in aysan qaadan masuuliyadda sugidda amniga goobta ay ka dhacday masiibadan.
“Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in xukuumadda Federaalka ah iyo hay’addaha ammaanka caasimadda aysan wax masuuliyad ah iska saarin sugida amniga goobta uu ka dhacay weerarkaan bahalnimo ee lala bartilmaameedsaday dhallinyarada doonaysay in ay ka mid noqdaan Ciidamada qalabka sida”.” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dambayn, Sheekh Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehellada dhallinyaradii ku naf waayay qaraxa, isagoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dhaawacyadii ka dhashay weerarka.