Madaxweynihii hore, ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Hay’adaha Amniga ee hoos taga inay khalkhal geliyaan Dhameystirka doorashada.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ayaandarro aad u weyn ku tilmaamay in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka.
“Waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran” ayuu yiri Sheekh Shariif oo jawaab kulul ka bixin farriintii Amni ee xlaay ay shaacisay NISA (Halkan ka Akhriso)
Wuxuu ugu baaqayaa Ra’sul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka, kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlan yahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Madaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelin kara geedisocodka doorashada dalka” ayaa lagu soo gabgaabeeyay qoraalka kasoo baxay Sheekh Shariif.
