Thursday, June 26, 2025

Sheekh Shariif oo magaca Musharixiinta Mucaaradka ku bixiyey Ballanqaad Arrin cabsi weyn laga qabay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta  Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib socdaal uu ku tegay dalka Imaaraadka ayaa bixiyey ballanqaad ku saabsan Nabadda iyo baaq kulan la isugu yimaado.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay nasiib darro ah inay weli Doorashadu dalka ka socon, ayna rajeynayaan in la xaliyo dhibaatooyinka hortaagan doorashada, taasoo aan weli dhicin, iyagoo ku baaqay Doorasho xor iyo xalaal ah.

“Weli waxaan raadineysaa in xal laga gaaro heshiis Doorashooyinka si loo aado Doorasho lagu qanacsan yahay… Mararka qaar waxaa la is weydiiyaa 8-da Febraayo kadib maxaa dhacaya..? anaga rajadeena waa in ka hor laga heshiiyo nidaamka Doorashooyinka, sidaasina doorashadu ku qabsoonto..” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif Musharixiinta Mucaaradka ka fogeeyay eedo loo jeediyey oo ah inay raban qalalaase iyo dagaal. “Waxaan idin ballan qaadeynaa anigoo ku hadlaya magaca mucaaradka inaanan ka shaqeyneynin wax dalkan dhibaato u keenaya.. waxaan dooneynaa in la gaaro dowladnimada iyo nabadda hore u sii socoto iyo Heshiiska keena jawi doorasho ku dhacdo.. Mucaaradka aan metelo waa dad door wanaagsan kusoo lahaa dalka oo nabad kasoo shaqeeyay, una taagan nabad, mana ogin cid ka shaqeyneysa wax intaas ka duwan..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON