Waxaa xarunta Aqlka Sare ee magaalada Muqdisho ka bilowday diiwaangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 15-ka bishan May 2022.
Diiwaangelinta musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furantay, waxaana noqday musharaxii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee labada Aqal ayaa maanta iyo berri kusoo koobay diiwaan gelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, iyadoo musharixiinta qaarkood ay sheegeen in waqtigu u yar yahay.
Mushariixinta shaaciyey inay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha ayaa ku dhow 40, laakiin tirada rasmiga ah ee is diiwaan gelin doona ayaa la filayaa inay noqdaan labaatameeyo.
