Thursday, July 10, 2025

Sheekh Shariif oo si weyn u eedeeyay Qaabka uu Kursiga kusii joogo Maxamed Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u dhaliilay Doorashada sida caga-jiidka ah ku socota iyo qaabka uu xilka kusii joogo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Doorashada aan la ogeyn xilliga ay dhaceyso ama dhammaaneyso waxay dalka gelineysaa xaalad hay’adihii dastuuriga ahaa waqtigooda uu dhammaaday, kuwii la rabay in la soo doortana aysan muuqan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo maanta qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu sheegay in dalku ay caado u ahayd in afartii sanaba ay doorasho dhacdo, taasina ay keeni jirtay xaslooni siyaasdeed; laakiin xaaladu ay hadda mugdi ku socoto ayna jiraan dhibaatooyin amni iyo dhaqaale.

“Haddii aad mas’uuliyadda qabato inaad wixii aad doonto sameyn karto sax maaha.. Waajibaadka Qaran waa inaad gudataa.. Umad ayaad xilka u heysaa, inta aan lagula xisaabtamin waad inaad isla xisaabtantaa.. Meesha aan joogo waxaa na keenay mas’uuliyad la gudan waayey..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo si toos ah ula hadlay Farmaajo.

Wuxuu ka digay inaan dalku ku socon karin hubanti la’aanta doorashada oo aan la ogeyn goorta ay dhaceyso iyo sida ay dhaceyso, mas’uuliyadaasina aan la wada lahayn.

“Mas’uuliyadda Doorashada waxay saaran tahay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waa inay qaataan mas’uuliyadooda…” ayuu si kulul u yiri Musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON