Tuesday, June 24, 2025

Sheekh Shariif: “Waa in Fagaare Maxkamad lagu saaro Ninkii Bistooladda u adeegsaday Gabdhaha”

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa dalbaday in Maxkamad meel fagaare ah lagu soo taago ninkii Bistoolada u adeegsaday gabdho bannaanbax nabadeed ka dhigayey magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho, kadib kulan ay yeesheen Musharixiinta ayuu Sheekh Shariif caddeeyay in si weyn uga xun yihiin gabdhihii iyagoo bannaanbaxaya si sharci darro ah loo adeegsaday Bistoolad ee rasaasta lagu riday, wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo ciidamada dowladda inay sharciga ilaaliyaan.

“Askarigii laga duubay Video-ga ee la xaqiijiyey inuu fal denbiyedka ka dhacay isagoo bistoolad ku haya gabdhaha waa in sharciga la horkeeno, meel fagaare ahna la keeno,, dadka u xiran dowladda ama ay daba joogto ee guryaheeda ka raadineyso ha laga leexdo..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Madashaan waxay u fadhidaa dalku inuu aado dariiq sax ah.. waxaan cod dheer ku sheegeynaa inaan ka horjeedno caburinta dadka.. Dowladu yeysan u qaadan in laga baqay haddii laga aamusay in laga baqay.. baqdin iskulama joogno ee sharci ayaan ku wada joognaa..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inay doonayaan doorasho loo dhan yahoo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON