Friday, June 27, 2025

Shirkii Dhuusamareeb 4 oo lagu kala tegay iyo Farmaajo oo kusoo jeeda kulanka Baarlamanka ee Muqdisho

Shirkii Dhuusamareeb 4 ee xal lagu raadinayey khilaafka ka taagan Doorashada 2021 ayaa xalay saqdii dhexe kadib lagu kala tegay, iyadoo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhusamareb ayaa shaaciyay in shirka heshiis lagu gaari waayey, isla markaana qodobadii wax kasoo noqdeen lagu heshiin waayey.

Wuxuu sheegay in Arrinta Guddiyada Doorashada ay dowladu ogolaatay in qofkii ka mida ee wax laga qabo loo gudbiyo Xafiiska Ra’isal wasaaraha oo la sheego waxa lagu diidan yahay, iyadoo aan xaq loogu lahayn, kana mid ahayn heshiiskii 17-ka Septembar ee Doorashada.

Arrinta Gobolka Gedo ayuu caddeeyay in Axmed Madoobe uu diiday dhammaan talooyinkii lasoo jeediyey, ayna tuhmayaan inay awoodo kale ka danbeeyaan, isagoo sheegay inay dowladu u aragtay dalabka Axmed Madoobe inuu keenayo iska hor imaad ka dhaca Gobolka Gedo.

Arrinta Somaliland ayuu sheegay Wasiir Dubbe in dowladdu ay ogolaatay inuu Guddoomiyaha Aqalka Sare 4 xubnood ku yeesho Guddiga Doorashada, iyadoo sharci darro ahna ay ogolaadeen, balse uu diiday Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Famaajo ayaa ka tegaya shirka maanta si uu Baarlamaanka u hortago, waxaana Wasiirka Warfaafinta uu shaaciyey in shir kale la isugu imaan doono sida uu ku taliyey Madaxweyne Farmaajo, maadaama aan la baajin karin fadhiga Baarlamaanka, kaasoo aan la shaacin xilliga uu dhacayo.

Fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4 ayaa dalka u horseedaya xaalad adag iyo qalalaase siyaasadeed, xilli muddo sharciga ah ee madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay 2 maalmood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON