Sunday, July 13, 2025

Shirkii Doorashada oo ka gudbi la’ Qodob Adag iyo Rooble oo taageero weydiistay Deni & Axmed…

Shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka ayaa maalintii afraad maanta galay iyadoo aan weli horumar laga gaarin qodobkii ugu horeeyay ee arrinta ‘Doorashada Somaliland’.

Shalay iyo xalay ayaa waxaa socday dadaallo xal loogu helayo arrinta Somaliland, markii ay dibadda u soo baxday in lagu kala tegay shir ay lahaayeen labada Garab ee ay kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gaara shalay la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii xaaladu meel adag gaartay, waxaana la sheegay in kulanku is-afgarad ku dhammaaday, balse aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Rooble uu taageero weydiistay Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbalanda Axmed Madoobe si ay arrinta Somaliland u dhex galaan; waxayna xalay kulan la yeesheen Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Shirka oo rajo badan laga qabo ayaa lagu wadaa in xal laga gaaro arrinta’ Somaliland’, iyadoo qodobadii kale ee ‘Gobolka Gedo’ iyo Guddiyadii Doorashada ay sii wadaan Guddiyo shirka ka dhex jira oo si gaara uga doodaya.

Gedo ayaa la isla qaatay in arrinteeda lagu xaliyo soo jeedintii Guddiyadii Farsamada ee magaalada Baydhaba, halka Guddiyada Doorashada ay u tahay tahya in intooda badan la cusbooneysiiyo.

Ilaa hadda lama oga xilligu shirku soo xirmayo, waxaase rajo badan laga qabaa in heshiis lagu gaari doono ilaa Arbacadda, isla markaana Khamiista lasoo xiri doono shirka, lana saxiixo doono in la aado doorasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON