Monday, January 17, 2022

Shirkii Golaha Wadatashiga oo lasoo xiray iyo Kulanka Berri oo loogu yeeray Midowga Musharixiinta

Waxaa goor dhoweyd soo gabagaboobay kulanka maalintii shanaad uga socday Muqdisho xubnaha Golaha WadatashigaQaran ee ku saabsanaa Doorashooyinka.

Shirka ayaan saaka looga hadlin qodobkii la isku mari waayey ee Amniga, waxayna xubnaha Golaha ka doodeen cabashooyinkii la xiriiray hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada iyo tallooyinkii ay u gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Soomaaliya.

Waxaa sii soconaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaan hadda uun soo dhammaaday shirkii maanta, iyadoo la guda galay la-tashiyadii ugu danbeeyay, Waxaana kulanka Berri loogu yeeray Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Ad

Waxa lagu wadaa in xubnaha Golaha ay Midowga Musharixiinta kala doodan qodobadda ay soo jeediyeen iyo sida xalka loogu heli karo cabashadooda ku saabsan sixitaanka Doorashada Golaha shacabka.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in shirku marayo heer gabagabo ah oo is faham laga gaaray arrimihii shirka horyaallay, isagoo aan faahfahain bixin, balse wuxuu sheegay in la filayo in lasoo gabgabeeyo shirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!