Saturday, July 12, 2025

XOG: Maxaa lagu heshiiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Muqdisho (Qoddobo hordhaca oo loo ogaaday)

Shirkii Wadatashiga Golaha Qaran ee Doorashooyinka ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu soo gabagabeeyo Berri, sida ya sheegayaan wararka laga helay xubnaha Guddiga.

Xogta laga helay shirka oo ahaa kii ugu waqtiga dheeraa ee Golaha ayaa sheegeysa in la isla meel dhigay qaar ka mida qoddobadii dib u sixidda Doorashada Golaha Shacabka, oo ay cabasho ka gudbiyeen Midowga Musharixiinta iyo Bulshada Rayidka.

Qodobkii ugu adkaa ee Amniga ayaa meel la iska dhigay markii la isku mari waayay, waxaana qeyb weyn ka qaadan doonta AMISOM, iyadoo arrintaasi ay u muuqato in laga gudbayo.

War-murtiyeedka shirka laga soo saari doono shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa arrimaha la isku raacay waxaa ka mida: Sixitaanka Doorashada, awood-siinta Odayaashii rasmiga ahaa ee 135-ta Oday iyo in muddo 60 maalmood ah lagu soo afjaro Doorashada Golaha Shacabka.

Shirka Axadda ee Golaha oo ay ka qeyb geli doonaan qaar ka mida madaxda Midowga Musharixiinta ayey labada dhinac ka doodi doonaan qodobadda muhiimka ah ee lagu sixi karo Doorashada Golaha Shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON