Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa qeylo dhaan kasoo saaray xaaladdu dalku galay iyo khilaafka ka taagan madaxda sare ee xilligoodu dhammaaday.
Wuxuu sheegay in laga tegay Dastuurkii, Sharcigii, Dhaqankii, heshiisyadii iyo xishoodkii iyo sariigtii ayna socoto yooyootaan ka baxsan dowladnimada, isagoo wax aan hore loo arag ku tilmaamay xaaladda uu dalku ku jiro.
Prof. Jawaari wuxuu ka taariikheeyay taariikhdii dowladnimada ilaa 1964, wuxuuna xaaladda dalka ku sifeeyay mid Ugub ah, isla markaana waxa la isku hayo ay yihiin in cid waliba ayu soo saarato xildhibaanno iyada taageersan.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in arrinta xilligan ee taagan Amniga iyo cidda mas’uulka ka ah ay ku caddahay Dastuurka qodobkiisa 99-aad, faqradda (f) oo cadeynaya in xukuumadda ay mas’uul ka tahay Amniga dalka.
HOOS KA DAAWO
