Thursday, July 3, 2025

Faahfaahin: Alshabaab oo Dilal Qorsheysan ka fulisay magaalada Muqdisho

Alshabaab ayaa sheegatay dilal qorsheysan oo ka dhacay xaafad ka tirsan, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Allaha u naxariistee koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay Ismaaciil Maxamed Aadam. Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegetay mas’uuliyadda dilka, waxaana ay ku tilmamaantay inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay Baarlamaanka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay dilal ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho oo lagu khaarijiyey labo askari oo ka tirsanaa ciidmada dowladda, magacyadoodana lagu laa sheegay Maxamed Iimaan Maxamed iyo Axmed Saban.

Falalka dilalka khaarijinta ah ee Alshabaab ayaa si joogto ah uga dhaca Muqdisho iyo agagaarkeeda, iyadoo inta badan aan waxba laga qaban dableyda falalkaasi fulisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON