Shirkii Golaha Wadaashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo caasimadda Muqdisho kaasoo uu madaxda Soomaalida isugu yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa magaalada Muqdisho shalay soo gaaray madaxda maamul Goboleedyad adlka ee madaxweynayaasha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Puntland Sicii C/llaahi Deni iyo K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.
Shirka Madasha Qaran ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo dagaalka Alshabaab, Amniga , Garsoorka iyo dhammeystirka Dastuurka, waxaana hor yaalla ajendayaal aan weli la fulin oo lagu heshiiyay shirkii hore ee Madasha.
Wuxuu shirkan kusoo beegmayaa xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kadib muddo kororsiga madaxweyne C/casiis Laftagareen.