Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii afraad kusoo dhammaaday dhammaaday, iyadoo aan xal laga gaarin qodobadii hor yaallay.
Maanta ayuu shirku galay marxalad adag oo ku saabsan sidii looga heshiin lahaa qodobada horyaalla shirka, waxaana lasoo weriyey inay laba garab u qeybsameen madaxda maamul Goboleedyada, laakiin dood dheer kadib lasoo xiray shirka si dib la isugu soo laabto.
Arrimaha ugu adag ee shirka horyaalla ayaa waxaa ka mida in Amniga dalka laga wareejiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, dib u eegista cabashooyinka ka dhashay Doorashada Golaha shacabka iyo Xilli go’an oo loo qabto dhammeystirka Doorashada.
Shirka ayaa maanta ka badbaaday in lagu kala tago, kadib is-maandhaaf xoog leh oo dhex maray qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada, waxaase lagu xaliyey in doodu sii socoto.
Afhayeennada Xukuumadda iyo madaxda mamaul Goboleedyada ayaa soo weriyey jawi wanaagsan oo shirku ku socdo iyo heshiis lagu gaari doono, balse waxay qireen in dood adag uu galay maanta.
Shirka aya Berri oo Jimce ah la sheegay inay madaxdu nasiino gelin doonaan, ayna dib u bilaabi doonaan Habeenka Sabtida danbe oo halkaas laga sii wadi doono dodoaha adag ee ui dhaxeeya xubnaha Golaha Wadatashiga.