Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay arrimo kala duwan , iyadoo lagu ansixiyey heshiisyadii ugu badnaa ee lala gelayo dalka Turkiga.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka Golaha Wasiirada ee maanta lagu ansixiyey 14 Heshiis iyo is-afgarad oo lala gaaray dalka Turkiga.
HOOS KA AKHRISO HESHIISYADA
1- Heshiiska Ganacsiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha
2- Heshiiska Iskaashiga Gadiidka Badda
3- Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga
4- Heshiiska Iskaashiga isbitaalka Erdogan
5- Heshiiska Iskaashiga Biyaha
6- Heshiiska Iskaashiga canshuuraha
7- Heshiiska Iskaashiga Tamarta
8- Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada
9- Is afgaradka Waxbarashada Sare
10 – Is afgaradka Wax soo saarka Beeraha
11 -Is afgaradka Kalluumeysiga
12- Is afgaradka Caafimaadka Xoolaha
13- Is afgaradka Guud ee abuurista Guddiga Iskaashiga dhaqaalaha
14- Is fahamka iskaashiga dhaqanka