Monday, June 23, 2025

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo Maalin lasoo hormariyey [Akhriso Go’aanadii kasoo baxay]

Shirka toddobaadlaha e Golaha  Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo lasoo hormariyey ayaa maanta ka dhacay  xarunta Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Shirka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, waxaana lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dembiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan.

Golaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON