Friday, July 4, 2025

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.

War kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wadeega labaad ee shirka uu ku dhacay jawi wanaagsan, isla markaana lagu ballamay in la isku soo laabto 20-ka Bishan July.

Dhinaca kale Afhayeenka Madasha Mucaaradka ayaa shir jaraa’id oo uu caawa qabtay ku sheegay in kulan dheer oo dhex maray xubnaha madasha iyo Madaxweynaha ay isku mari waayeen qodobka wax ka bedelka dastuurka iyo inay ka laabato dowladda.

Qodobka ku saabsan dastuurka ayaa ahaa mid adag oo dooda ugu culus ka dhalatay, labada dhinacna ay isku fahmi waayeen., iyadoo markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto laba toddobaad kadib.

Afhayeenka Madasha Mucaaradka Daahir Geelle ayaa sheegay in aad looga dooday arrimaha dastuurka, ayna qaadatay waqti dheer oo aan waxba la isla meel dhigin, iyadoo dowladda ay dalbatay waqti kale.

Mucaaradka oo sidoo kale Xasan Sheekh u gudbiyay shuruudaha ay dalbadeen madaxda maqan ee Jubbaland iyo Puntland ayaa rajo ka qabay in gebi ahaanba qodobka wax ka bedelka Dastuurka meesha laga saaro, taaso aan la isku afgaran.

Daahir Geelle ayaa intaas ku daray in Jubbaland ay dalbatay ka qayb-galka shirarka Muqdisho. ka horna loo sii daayo helista kabkii miisaaniyadda iyo in laga qaado xayiraadda, taasoo aanay DFS ka aqbalin.

Wareega labaad ee wadahadallada Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan la filay inay heshiiyo degdega kasoo baxaan, waxaana la saadaalinayaa inay sii socon doonaan wadahadallada muddo dheer.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON