Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta Shir kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kala hadlay xaaladda is mari waaga ka taagan arrimaha Doorashada.
Shirka Wakiilada Beesha Caalamka la yeesheen Rooble ayaa ka mida kulamo ay la yeelanayaan madaxda Puntland, Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo lagu ururinayo mowqifyada dhinacyada is haya sidii loo xalin lahaa xaaladda ka dhalatay iska hor imaadyadii 19-ka Febraayo 2021.
“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ururinaya mowqifyada kala taagan ee madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleeyada Jubbaland iyo Puntland oo ay wehliyaan Musharixiinta Madaxweynaha.


