Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeea Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, halkaasoo uu ka furmayo shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo shirka marti gelinaya kuna baaqay in la qabto ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hoggaaminaayo maanta laga sugayo Magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay qeyb ka yihiin shirkan oo xasaasi ah, isla markaana looga hadlayo arrimo muhiim ah.
Shirka Garowe oo hore u baaqday bishii Maarso ayaa dib loo abaabulay ka hor Ramadaanka, waxaana arrimaha la isku hayo ka mida go’aanada ay qaataan madaxda dowladda federaalka iyo halka uu dalku u socdo ee lagu wado, iyadoo khilaaf kale uu dhaliyay Sharciga Doorashada ee ay ansixisay xukuumadda Soomaaliya.
Farmaajo iyo Kheyre ayaa wajihi doona culeys adag oo uga imaanaya madaxda dowlada Goboleedyada, iyadoo qaar ka mida awoodaha la isku heysto ay yihiin kuwa federaalka iyo xukuumadda ay gaarka u leeyihiin.