Waxaa goor dhow soo idlaaday tirinta codadka wareegga koowad ee Doorshada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Tartanka oo ah mid adag oo ay ku tartamayaan in ka badan 30 musharax ayaa waxaa ugu horeeya musharixiinta madaxdii hore dalka soo maray, waxayna natiijadii noqotay sida soo socota:
Waxaa codadka la tiriyey ugu horeeya Siciid C/llaahi Deni iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ku xiga Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.
Waxaa muuqata inuu Musharax Sheekh Shariif ku haray wareegga koowaad, waxaana wareegga labaad u gudbi doona afarta musahrax ee ugu horeeya:
1- Siciid C/llaahi Deni
2- Maxamed C/llaahi Farmaajo
3- Xasan Sheekh Maxamuud
4- iyo Xasan Cali Kheyre
Waxaa doorashada jab weyn kasoo gaaray Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareegii koowaad gaari waayey 70 cod.
Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqi doona natiijada rasmiga ah goor dhow.