Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada si xal looga gaaro caqabadaha hortaagan qabashada Doorashada 2021.
Deni ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ay wadeen dadaal la isugu soo dhoweynayo arrimaha doorashada, rajo badana ay ka qabaan in xal laga gaaro caqabadaha doorashada hortaagan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in doorashada ay wado dowladda Federalka uu madow ku jiro.. “Shirkan waxaan uga faa’iideysanay fursado kale si wax la isugu soo dhoweeyo.. waxaan rajo ka qabaa annaga oo ah dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aan heshiis gaarno, ayna aqbalaan musharixiinta.. Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha in la qabto shir la mida kii 17-kii Septembar oo kale.. haddii uu Garowe ka dhacayo ama meel kale diyaar baan u nahay.. laakiin waa in la xaliyaa arrimaha taagan.. indhaha lama qabsan karo horena looma soco karo..” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu sheegay in dolwadda hadda jirta aanay waxba ka qaban arrrimaha waaweyn ee laga sugeyay. “Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaaliyeed inay iska iloobaan maalinta xilka la yimaado ilaa uu ka degayo lagu jiro ololaha Doorashada.. waxaan codsanayaa in meesha mudan shaqo la geliyo..” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
