Waxaa maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland gaaray Wakiilka Q/Midoobay James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyagoo xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Wakiilka Q/Midoobay waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UN WOMEN, iyadoo kadib kulan ay la qaateen Madaxweynaha Puntland sheegay inay ka wadahadleen shaqooyinka Hay’adaha Q/Midoobay ka wadaan Puntland iyo Arrimaha Doorashada.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri: “Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena dadka daneeyayaasha Siyaasadda ee Soomaaliduna ay ka dhex arki karaan maslaxad Soomaaliyeed iyo mid loo simanyahay. Waxaan rajeynaynaa kulamadaasi oo weli socda in ay iyaguna gaari doonaan meelo muhim ah, oo la rajeynayo in lagu wada qanco.”
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.
