Monday, June 23, 2025

Sidee Alshabaab u qorsheysay dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe? (Akhriso Warbixinta Baarista Guddiga)

Baaritaan hordhac ah oo kasoo baxay Guddiga dowladda Soomaaliya u saartay dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday xeelado Alshabaab u adeegsatay si ay hub isugu jira Bistoolado, Bambooyin iyo Rasaas u geliso gudaha xabsiga.

Wasiirka Cadaaladda XASAN Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xabsiga si qarsoodi ah lagu geliyay hub iyo rasaas, isla markaana loo adeegsaday in lagu dhex qariyo Hilib iyo Liib loo geeyay Maxaabiista Alshabaab ee ku jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ad

– Maalintii 8/8/2020 waxaa xabsiga la geliyey hub la geliyay oo ku dhex jiray alaab loo keenay maxaabiista xabsiga ku jira.

– 10/8/ 2020 – Waxaa Maxaabiita qorshaha dagaalka waday loo keenay rasaas dheeraad ah

– Waxaa hubka lagu soo qariyey Jawaan Liin ah, marna waxaa lagu soo qariyey Hilib dhexdiis.

- Advertisement -

– Waxay Maxaabiista Alshabaab dagaalkii bilaabeen galabtii 10/08/2020

– Waxaa Xabsiga ka baxsaday Maxbuus weyn (Alshabaab) oo dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta.

– Waxaa howsha fududueeyay askar ciidamada kam ida oo shaqada ku qornaa maalmaha arrimahaasi dhaceen.

  • Waxaa falkan loo xiray 12 ciidan oo isugu jira Sarkiil iyo ciidan (Waxaana ka mida Taliyihii Xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa, waxaa kaloo loo qabtay 6 qof oo shacab ah oo qeyb ka ahaa qorshahan iyo 9 maxbuus oo falkan ka qeyb qaatay)

Baaritaanka Guddiga Dowladda oo soo dhammaaday ayaa waxaa lagu wareejiyey xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Wuxuuna falkani ka dhigan in Alshabaab ay dhex gashay dhammaan hay’adaha Amniga, iyadoo adeegsanaysa xeelado kala duwan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON