Thursday, April 25, 2024

Sidee Alshabab markii labaad ku qabsadeen Degmada Balcad? [Wararkii ugu danbeeyay…]

Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka baxay xalay xilli danbe degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii ay xalay dagaal kula wareegeen.

Al-Shabaab ayaa muddo kooban qabsaday sladhigga Booliska, iyagoo kasii daayey maxaabiistii, kadibna dab qabadsiiyey laba Konteenar oo saldhigga yaallay , waxay kaloo burburiyeen xarunta degmada Balcad, iyadoo qasaare kala duwan uu halkaasi ka dhacay, waxayna gubeenn gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan degmada Balcad.

Ciidamada maamulka degmada ee Balcad ku sugan ayay dadka degaanka sheegeen inay ka war hayeen weerarka Alshabaab oo ay dib ugu gurteen Buunda wixii ka xageeya, halkaasoo ay difaac ka galeen, waxayna dib ugu laabteen saaka waaberigii markii ay Alshabaab isaga baxeen.

Ad

Degmad Balcad ayaa noqotay goob ay xilligii ay rabaan ay qabsadeen, kadibna isaga baxaan, waxaana ay hore si joogto ah hore u maamulayeen wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda ay go’een, iyagoo diyaarad u kaal raaca Muqdisho iyo Jowhar.

Waa markii labaad ee Alshabaab qabsadeen degmada Balcad oo ay weerar ku soo galaan iyadoo ciidamada ku sugan ay awoodi waayeen inay difaacaan, waxayna arrintani cabsi weyn ku heysaa dadka degaankaasi oo horeba Alshabaab ay u maamulayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON