Dowladda Federaalka Soomaalia oo soo dhoweysay qaraarka QM ee tirsigiisu yahay 2477 ee ka soo baxay kalankii goluhu yeeshay 31 May 2019 , kaasoo ahaa mid adag oo madaxda dowladda ku boorinayey inay wada shaqeeyaan, lana soo afjaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay u mahad celinayaan Golaha Amniga iyo Hay’adaha Q/Midoobay, ayna soo dhoweynayaan baaqyadii Golaha amniga ee loo jeediyay dowladda Somalia.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah