Saturday, July 26, 2025

Sidee Madaxweynaha Puntland loogu soo dhoweeyay Magaalada Kismaayo, yaase ka qeyb galay..? [Sawirro]

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ay si toos ah uga degay Magaalada Kismaayo, kadib markii diyaarad kasoo qaaday magaalada Garowe ay caga dhigatay magaaladaasi oo xayiraad ay saartay dowladda Federaalka.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe, ) iyo Ku xigeenadiisa, waxaa kaloo soo dhoweynta ka qeyb galay mas’uuliyiinta Jubbakanad iyo dadweyne fara badan.

Wafdiga Madaxweyne Deni waxaa  Garowe ka soo qaaday Diyaaradda Fokker 50, waxaa ayna ku diiwaangeshantahay tirsiga 5Y-JXJ, taas oo ka diiwaangeshan dalka Kenya islamarkaana ay si gaar ah u leedahay Sharikadda diyaaradaha Juba Airways oo ay horay u sheegtay Jubbaland in ay soo iibsatay.

Madaxweynaha Puntland oo wafdigiisa uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo xubno kale, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi ee Magaaladda Kismaayo.

Soo dhoweynta madaxweynaha Puntland waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynayaashii hore ee K/Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo hore u tegay magaalada Kismaayo.

Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: cloud, sky, airplane and outdoor


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON