Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka furay maanta shirkii go’aan ka gaarista Doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dalka ee isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, iyado metelaadda beelaha soomaalida aysan ku dhammeyn.
Shirarka xilliyada kala-guurka ee lagu gelayo heshiisyada siyaasadeed ayaa waxaa ka qeyb geli jiray oo metelaad ku yeelan jiray mas’uuliyiinta ugu sareysa Beelaha Soomaaliyeed iyo maamul Goboleedyada, arrintaas oo soo socotay xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh, aguna gaaray go’aannadii doorashada Dadban ee daka ka dhacday sabadkii 2016.
Shirka maanta ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka maqnaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo iminka ku magacaaban ku-simaha Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa, taasoo aan hore u dhici jirin, wuxuuna Ra’iisal wasaare ku xigeenku kasoo jeeda degaanada Waqooyi ee la baxay Somaliland, taasoo loo arko inay hoos u dhigeyso isku heyntii Soomaalida iyo gaar ahaan dadka Waqooyiga ee ka mida dowladda Federaalka.
Ra’iisal wasaarihii ku xigeenkii hore ee dowaldii Xasan Sheekh Maxamed Cumar Carte ayaa degaanada Waqooyi u meteli jiray shirarka masiiriga ah ee dowladda federaalka, waxaana la yaab leh sida Madaxweyne Farmaajo uga booday arrintan, iyadoo hore loogu eedeeyay inuu cadaawad gaara u hayo Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale weli magacaabin Ra’iisal wasaare cusub muddo ka badan 50 maalmood, taasoo loo aaneynayo inuu dib ugu dhigtay inta laga gaarayo heshiiska doorashada dalka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka diiday Madaxwene Farmaajo inuu keligood shir u qabto oo kala hadlo arrimaha Doorashada, taasoo ku qasabtay in shir guud lagu casuumo maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse ma jirin cid talada ku darsatay Somaliland oo dowladda Federaalka lagu metelo.




