Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay maxaabiis Saaka ka baxsatay Xabsi ku yalala magaalada Gaalkacyo ee Puntland maamusho, iyadoo qaarkood ay ahaayeen maxaabiis Alshabaab ka tirsan oo Toogasho lagu xukumay.
Saddex ka mida maxaabiista oo ku xirnaa xabsigan oo si weyn loo ilaaliyo ayaa baxsaday, sida uu shaaciyey Booliska Gaalkacyo, waxana ka boodeen Derbiga Xabsiga iyadoo diyaarsaday qorshaha ay ku baxsadeen.
Maxaabiista baxsatay ayaa gaareysa 7, waxaana dib loo qabtay saddex ka mida, halka hal maxbuus lagu dilay rasaas ay fureen ciidamada, waxaase baxaday saddex kale oo ay ku jiraan xubno halis ah.
Taliyaha boliiska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in maxaabiista baxsatay ay ahaayeen Al-Shabaab, ayna wadaan baaritaan ku saabsan sida uu falkaas u dhacay.
Magacyada maxaabiista Xabsiga Gaalkacyo ee Puntland ka baxsatay ayaa kala ah:
1- Xasan Isaaq Maxamed
2- Maxamed Cali Maxamed (Istakiin)
3- iyo Liibaan Ciise Cali (Madax Kariye).
Xasan Isaaq oo ku magac dheer Xasan Yare, ayaa ku dhashay Baydhabo, waxaana muuqaal hore looga duubay uu ku qirtay inuu ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab u qaabilsan Koonfurta Gaalkacyo (dhinaca Galmudug), isla markaana uu mas’uul ka ahaa qarax iyo weerar ka dhacay Gaalkacyo Cabdiweli Cilmi Yare.