Monday, June 23, 2025

Siyaasi caan ah oo la siiyay Kursigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Beesha Wacbuudhan Abgaal

Xogta laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa in Sii-hayaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Sheekh uu kursigii Beesha Wacbuushan Abgaal ee Aqalka ku qoray siyaasi iyo hogaamiye kooxeed hore oo caan ah.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa la xaqiijiyay inuu madaxweynaha ku qoray kursiga Aqalka Sare ee qeyb ahaanta u soo gaaray Beesha Wacbuudhan Abgaal, iyadoo aan lagala tashan beelaha kursigaasi ka dhaxeeyay.

Muusesuudi
Muuse Suudi, Siyaasiyi iyo hogaamiye kooxeed hore

Wararka ayaa sheegaya in magacaabidda kursigan loo magacaabay Alxaaji Muuse Suudi ay meesha ka saareyso fursadii ay heysteen inay xildhibaanimada Aqalka hoose ku soo galaan siyaasiyiin mucaarad ku ah Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin Axmed Caddow Daaci iyo Cumar Maxamed Finish oo labadunba loolan ugu jiray kursi Baarlamaan.

Ad

Loolanka doorashada iyo is-khaarijinta  siyaasadeed ayaa xowli ku socda, iyadoo Aqalka uu noqday meel ay saaxiibadood la yimaadaan madaxa sare ee  maamulada dalka iyo dowladda Federaalka.

Qorshe kale oo uu watay Ugaaska Beesha Maxamuud Cali Ugaas oo lagu doonayay in Cali Ugaas Cabdulle lagu qoro kursigan ayaa dhinac la iska dhigay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON