Wednesday, June 25, 2025

Siyaasi uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Suna ee Galmudug oo xildhibaan loogu doortay Dhuusamareeb

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb saaka mar kale ka bilaabtay doorashada qaar ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Kursigii koowaad ee HOP139 waxaa kusoo baxay siyaasi uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu suna Cabdisamad Macalin Maxamuud oo hore u soo noqday Wasiir ka tirsan xukuumada KMG, welina ku jiray siyaasadda Ahlu suna.

Cabdisamad ayaan lala tartamin, waxaana kursiga u xiray madaxweynaha Galmduug, iyadoo cod gacantaag ah ay ugu codeeyeen ergadii oo dhan 101 Ergo, kadib markii ay tartanka ka hartay Musharax Xamdi Cali Shire oo kursiga lagula qoray.

Kursiga HOP139 waxaa hore ugu fadhiyay Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo xilligan loo wareejiyay Senator ka tirsan Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON