Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo qulqulaya siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la filayo inuu shirweyne uga furmo casimadda..
Xubnaha Muqdisho ku shiraya waxaa ka mida Madaxdii hore ee dalka. Waxaa toddobaadkan soo gaaray Muqdisho Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halka maanta Muqdisho lagu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Waxaa maalmaha soo socda Muqdisho kusoo wajahan siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahan Mucaaradka ah ay ku howlan yihiin abaabul siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu mideeyo afkaartooda si ay u kordhiyaan cadaadiska ay saareen dowladda Xasan Sheekh.
Ujeedkooda ugu weyn ayaa ah sidii ay uga hortegi lahaayeen qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Doorashada, uguna midoobi lahaayeen hogaan si toosa ula xiriira beesha caalamka.