Sunday, July 13, 2025

Siyaasiyiinta Waqooyi oo Farmaajo ku eedeeyay inuu farageliyey Guddiyada Doorashada Somaliland

Golaha Siyaasiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu faragelin ku hayo Guddiyada Doorashada ee Somailand.

Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayey ku faahfaahiyeen faragalinta Farmaajo ku hayo Kuraasta Gobolada waqooyi iyo Gudiyada Doorashada ee lagu heshiiyey inay ka tashadaan Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

“Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay; markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Siyaasiyiinta Waqooyi oo uu saxaafadda u akhriyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Waxaa kaloo Bayaanka lagu sheegay inuu Maxamed Farmaajo mid mid ugu yeeray wasiirada kasoo jeeda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka oo doonayey inay iska bedelaan xubnaha shaqaalaha dowladda, isagoo culeys ku saaray inay faraha ka qaadaan

Siyaasiyiinta Waqooyi waxay caddeeyeen inuu Farmaajo dadaal ugu jiro inuu gacantiisa kusoo qorto shantii xubnood ee xukuumadda soo magacaabi lahayd ee ka mida Guddiyada Doorashada kala duwan.

Waxay ka digeen in lasoo saaro liisaska Guddiyada Doorashada Somaliland, iyadoo aan la isku afgaran, waxayna ugu baaqeen Ra’iisal wasaaraha inuu shaqadiisa qabsado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON