Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ayaa ku dhawaaqay inay Guddi gaara u sameynayaan arrimaha Amniga iyo Xuduudaha labada dal.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay sameyn doonaan Guddi wadajir ah oo xaqiiqo raadin ah, kaasoo qaabilsanaan doona Amniga iyo Xuduudaha, waxayna guddiga booqan doonaan degmooyinka xuduudka ee Beledxaawo iyo Mandheera, iyadoo diyaarin doona warbixin wadajir ah.
Arrintan ayaa timid kadib booqasho rasmi ah oo Madaxweynaha Soomaaliya shalay ku tegay dalka Kenya, isagoo la kulmay Madaxweyanha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana arrimaha laga wadahadlay ugu horeeyay muranka xuduudaha labada dal iyo Amniga.