Sunday, June 22, 2025

Somalia iyo Qatar oo ka hor yimid Go’aan Jaamacadda Carabta kasoo saartay howlgalka Turkiga ee Waqooyiga Syria

Dowladaha Somalia iyo Qatar ayaa ka gows qabsatay oo ka hor yimid go’aan kasoo baxay shirkii degdega ahaa ee Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacada Carabta oo ay isugu yeertay dowladda Masar, kaasoo looga hadlay howlgalka milateri ee Turkiga ka bilaabay Waqooyiga Dalka Syria.

Bayaanka kasoo baxay shirkii Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu cambaareeyay howlgalka Milateri ee Turkiga ka wado Waqooyiga Ciraaq, kaasoo lagu tilmaamay mid caddowtinimo oo ku xadgudbaya qaranimada dal ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxaana loogu baaqay Turkiga inuu degdeg u joojiyo howlgalkaasi, ciidamadiisana kala baxo dalka Syria.

Dalalka Jaamacadda Carabta ayaa loogu baaqay inay yareeyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Turkiga la leeyihiin oo ay joojiyaan iskaashiyada milateri ee ay la leeyihiin dalkaas, ayna ka fiirsadaan inay hoos u dhigaan xiriirada ganacsi dalxiis iyo dhaqan ee Turkiga. Bayaankaas ayaa waxaa ka hor yimid oo ka gaabsaday inay u hoggaansamaan dalalka Somalia iyo Qatar oo xiriir dhow la leh Turkiga, isla markaana dalalkooda ay joogaan ciidamo ka socda dalkaasi.

Ad

Dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka ayaa si weyn uga horjeeda Turkiga iyagoo soo qabanqaabiyey shirka Jaamacadad Carabta ee maanta ka dhacay Qaahira, waxaana la filayaa in go’aankan uu saameyn ku yeesho xiriirka Somalia, Masar iyo Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON