Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inay degaanadeeda weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland, kadib dagaal saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood.
War kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, balse ay Puntland weerar kusoo qaaday.
“Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool”.” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Ciidamada Somaliland ay ka jawaabeen weerarka Maamulka Puntland, isla markaana masuuliyada weerarka ay qaadi doonto Maamulka Puntland-Soomaaliya.
Eedeynta Somaliland ee ah inay dagaal kusoo qaaday Puntland ayaan ahayn mid cusub, laakiin warka saaka kasoo baxay Somaliland ayaa ahaa kii gu cuslaa oo ay Maamulka Puntland ku eedeysay inay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika, sida uu yiri.
