Monday, July 14, 2025

Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidammada sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabee Maxamed Kayse Bigeeye oo la sheegay in uu buug ka qorayay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Eng. Maxamed Keyse oo qoray buugga la magac baxay: “Tusaalaha Guusha”  ayay qoyskiisa xaqiijiyeen inuu maalintii saddexaad ku xiran magaalada Hargeysa, iyadoo lagu heysto buugga uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inaan weli Buugga la soo bandhigin, laakiin qoraaga yaa bartiisa facebook-ga ku soo bandhigay ogeysiis ah buugga inuu dhameystiray qoristiisa goor dhowna uu soo bandhigi doono balse Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa ka war helay xabsiga dhigay.

Eng. Maxamed Kayse Maxamuud ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa kana soo jeeda Bariga Burco, waxaana shalay  la horgeeyay maxkamada gobolka Maroodi-jeex oo  amartay in dib loo dhiggo kiiska dacwadda.

Image may contain: 1 person

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qoraaga xiriir la lahaa wasiirka wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo banadhiggay sawirro uu ku wehliyo wasiir Maareeye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON