Sunday, July 13, 2025

Su’aallo ka dhashay kulan uu Qoorqoor isugu keenay C/raxman C/shakur, C/laahi Kulane iyo Saadaq Joon

Su’aalo badan iyo hadal-heyn ayaa ka dhashay kulan uu xalay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor la yeeshay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Sarkaalka NISA ka tirsan ee C/llaahi Aadan Kulane oo labadaba ka mid noqday Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulan oo Qoorqoor si gaara ugu qabtay labada Nin oo uu wehliyey xildhibaanka dooran ee kale Saadaq Joon ayaa Madaxtooyada Galmudug ku sheegtay inuu ahaa inuu ujeedkiisu ahaa is-cafin iyo dardaaran xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay.

Hogaamiyihii Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullahi Aadan Kulane ayaa waxaa ka dhaxeeyay colaad siyaasadeed oo gaartay in la isku eedeeyo denbiyo dagaal iyo Qiyaano qaran, waxaana su’aallo ka dhasheen qaabka heshiiska degdega ahi ku dhacay.

Dadka baraha bulshada ayaa si weyn arrintan uga doodaya, waxayna dhalisay siyaasiyiinta Soomaalida lagu tilmaamo mabda’ la’aan uo kuwo kursi kaliya isku heysta oo qeyladooda aysan ahayn daacad iyo cadaalad raadin.

Aragtida dadka arrintan ka hadlay, waxaa ka mida:

C/raxmaan Ciise (Agaasime ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya): “Siyaadada muufaysiga waa sidaas”

C/casiis Golf-yare, Saxafi: “Xaajadi dhex taalay ma Xildhibaanimaa lagu dhaqay mise?

Mohamed Ismail Abokor: “siyaadadu waa dan marka lagu leeyaha waatan oo kale. saadiq john iyo abdilahi kulane haaben habeenada ka mida waxay qorshaynayeen khaarajinta abdiraxmaan abdishakuur. maantan waxay qorshaynayaa ku dhisida kursiga qaran uugu sareeya.

Ismail Sayid Ahmed: “CCW waa maxay jileecaan berrina waxaa arki doonaa adoo la sawiran Fahad Yasiin”

Noor Hassan: “Saadaq john iyo kulane jiiz, waa cadaalad suge yaal aan marnaba la halmaami doonin, waxaana la fuuli doona maxkamad dadkii ay danbiyada ka galeen oo ay dadka ka laayeen.Xildhibaan nimadu maahan mid ka bari yeelaysa danbiyadii ay galeen, hadaysan ka cafis dalbin dadkii ay dhibaateen“.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON