Monday, June 23, 2025

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ee Dirta Waqooyi oo kulan bandhig ah ku qabtay Muqdisho

Kulan uu soo abaabulay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu soo bandhigay taageerada xildhibaannada, wasiirada iyo siyaasiyiinta beelaha Dirta Waqooyi u hayaan dib u doorashada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulankan oo waxaa si weyn loogu taageeray Guddiyada Doorashada ee dowladda Soomaaliya dhistay iyo in dib loo doorto Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka hadlayu xubno isugu jira siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Wasiiro.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kulanka ka sheegay in doorasho loo dhaqaaqay, lakiin haddii ay jiraan tabasho laga qabo hal iyo laba guddiyada Doorashada laga wadahadli karo, wuxuuna ku edeeyay inay mucaaradku doonayaan dib u dhigista doorashada, taasoo aan dhici doonin sida uu yiri.

Ad

Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay wataan oo ay taageerayaan dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu dalka hore u wadi karo. “Heesta maanta waxay noqoneysaa: Ama waa la i dooran ama Daadku i qaad” ayuuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Siyaasiyiinta xilligan sida weyn u difaaceysa madaxweynaha Farmaajo iyo Qorshihiisa Doorashada ayaa waxaa ugu horeeya Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Warfaafinta.

Dhinaca kale musharixiinta mucaaradka ayaa taageersan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi. Wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa dhowaan sheeagay in siyaasiyiinta taageersan madaxweynaha ay aamisan yihiin in ergo basas lagu wado ay dooraneyso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON