Tuesday, July 8, 2025

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo Baraha Bulshada ka bilaabay weerar ka dhan ah Ra’iisal wasaare Kheyre

Waxaa baraha bulshada kusii xoogeystay olole u muuqda dagaal qorsheysan oo ku socda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay hormuud ka yihiin xubno si weyn u taageera madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dagaalkan oo looga shakisan yahay inay hoosta ka wadaan xubno u dhow madaxweynaha oo xilal ka haya Madaxtooyada ayaa ku bilowday ereyo lagu weerarrayo Xasan Kheyre, kadibna wuxuu u xuub siibtay qormooyin iyo maqaallo wax looga sheegayo, iyadoo lagu eedeynayo arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay inuu khiyaanayo Madaxweyne Farmajo.

Qaar ka mida dadka ololahan wada ayaa ah xubno beel ahaan ugu dhow madaxweynaha oo si weyn loogu bartay inay gacan-yareyaal u ahaayeen iyo qaar kale oo ku xiran Madaxtooyada, waxaana markii ugu horeysay baraha bulshada laga dareemay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uu mugdi soo kala dhex galay, iyadoo taageerayaasha labada nin ay qarka u saaran yihiin inay isku dhacaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu bartay laba mas’uul oo wada shaqeyntoodu xoog leedahay, inkastoo dadka qaarkii ay aamisan yihiin in Farmaajo uu awood balaaran siiyey Ra’iisal wasaaraha, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa in dagaalkani xaqiiqo yahay iyo inuu kasoo hormaray waqtigii ay ahayd inuu soo shaac baxo.

Labadii qormo ee ugu danbeysay oo wareegaya baraha bulshada ayaa ah qormo uu qoray nin lagu magacaabo Cali Yaasiin Gurbe oo u dhowaa madaxweynaha iyo wasiiradii hore ee Ganacsiga Khadra Axmed Ducale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON