Taliska ciidamada Booliska ayaa War kasoo saaray Qarax Miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska.
Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii C/qaasim 10:00-kii barqanimo, isla markaana uu qabsaday Gaari nooca Landcruser ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska, isagoo sheegay inay ku dhinteen 2 askari, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
“Waxaa saaka dhacay qarax nooca miinada dhulka la dhigo soo boodada ah, waxayna la kacday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska ,2 askari waa ay ku geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacyeen, oo gaariga la socday, mana jiraan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay”. ayuu yiri aafhayeenka ciidanka Booliska.
