Monday, June 23, 2025

Taliska Milateriga oo wareejiyey Askartii loo heystay Dilka Sakariye & Sowda (Yaa la wareegay..?)

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inuu wareejiyey askartii geysatay dilka marxuumiinta Sakariye Maxamud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo Khamiistii lagu dilay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu caddeeyay inay Xeer ilaaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ku wareejiyeen eedaysanayaashii falkii ka dhacay isgoyska Dabka si loo horgeeyo Cadaaladda.

“Taliska CXDS wuxuu aad uga xun yahay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday isgoyska Dabka. Ciidamada xooga waxay baaritaan iyo dabagal ku sameeyeen dadkii geystay falkaasi waxaana uu suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan isla markaana ku wareejiyan xeer ilaalinta ciidanka” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Milateriga goor dhoweyd kasoo baxay.

Ad

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa hore u sheegay inay qabteen eedeysanayaasha kiiska Sowda iyo Sakariye oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan, kuwaas oo ku jira gacanta Dowladda, iyadoo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Waxaa muuqata in cidda qabatay askarta denbiga geysatay uu ahaa Taliska Milateriga oo loo gudbiyey caddeymaha Gaariga falka geystay iyo askartii la socotay, balse maanta lagu wareejiyey xeer ilaalinta ciidamada Qalabka Sida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON